Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya gaaray Taliyaha cusub, qaybta 60-aad ee ciidanka Milatirga Soomaaliya Sareeye guuto C/raxmaan Maxamed Cusmaan (Tama cadde).
Taliyaha cusub iyo Abaanduulaha qeybta 60-aad ee ciidanka Milatariga waxaa magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Saraakiil katirsan Milatariga Soomaaliya uu ku jiro taliyihii hore ee qeybta 60-aad Generaal Ibrahow Yarow oo dhawaan xilka laga qaaday.
Generaal Ibraahim Yarow ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyaan Taliyaha cusub ee qeybta 60-aad ee ciidanka Milatariga iyo Abaanduulaha cusub ee qeybtaasi .
Taliyaha cusub, qaybta 60-aad ee ciidanka Milatirga Soomaaliya Sareeye guuto C/raxmaan Maxamed Cusmaan ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta Baydhabo loogu sameeyay waxa uuna balan qaaday in wax qabad muuqda la imaan doono.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com