Allbanaadir.com
NEWS

Imaam Salaad Dhoolayare oo kulan muhiim ah la qaatay Waxgaradka beesha Habar-gidir (Daawo Sawirro)

Waxaa shalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho kulan balaaran oo ay ka qeyb galeen waxgarad iyo odayaal dhaqameedyo ka tirsan beesha Habar Gidir oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed.

Kulankan oo ahaa mid qado ah ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey Imaamka guud ee beesha reer Xaaji Saleebaan Imaam Salaad Imaam Yuusuf Imaam Xasan Dhoolayare oo iskugu yeeray waxgaradka ka qeyb galay kulankaas.

Imaamka oo kulankaas ka hadlay ayaa uga mahad celiyey waxgaradkii kulankaas ka qeyb galay sida ay u ajiibeen ugana soo qeyb galeen kulanka uu isugu yeeray.

”Martida iyo walaalaha kulankan ka soo qeyb galay waad mahadsan tihiin sidaad la socotaan waxaan muddo dheer soo ahaa Imaamka beesha Reer Xaaji Saleebaan, haatan waan cuslaaday, waxaa iga daba timid da’ sidaas awgeed waxaan idinku wargelinayaa in wixii maanta ka dambeeya aan go’aansaday inaan wakiil ka dhigto howsha Imaamkana wadi doona wiilkeyga Bashiir Imaam Salaad, waxaana idinka codsanayaa inaad la shaqeysaan” ayuu yiri Imaam Salaad Dhoolayare.

Qaar ka mid ah waxgaradkii beelaha Habar gidir ee ka qeyb galay kulan oo hadalo kooban jeediyey ayaa soo dhoweeyey talaabada uu qaaday Imaamka, waxayna balan-qaadeen iney la shaqeyn doonaan xilka dhaqan ee loo wakiishayna gacan ku siin doonaan.

Wakiilka cusub ee Imaamka beesha Reer xaaji Saleebaan Bashiir Imaam Salaad Dhoolayare oo ugu dambeyn kulankaas ka hadlay ayaa u mahad celiyey waxgaradkii ka soo qeyb galay kulankaas, wuxuunna sheegay in xilka loo wakiishay uu yahay mid culus, uuna ku dedaali doono inuu si daacadnimo, Cadaalad iyo ALLE ka cabsi leh u guto.

Waxaa uu soo dhoweeyey heshiiska ay ku midoobeen Maamulada Galmudug iyo ahlu Suna oo uu xusay inuu ahaa mid muddo badan loo oomanaa, isagoo dhinaca kale beesha uu ka soo jeedo ee reer  Cadaado ugu baaqay haddii ay jiraan tabashooyin ay qabaan inay xalkeeda u maraan wadahadal, walaalnimo, isqancin iyo isku tanaasul, kana fogaadaan wixii keeno kara khilaafaad iyo waxyaabo kala fogeynaya shacabka Galmudug.

Kulankan oo ahaa mid si weyn loo soo agaasimay ayaa ku dhamaaday jawi aad u wanaagsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiil iyo askar loo xiray weerarkii lagu qaaday hotelka SYL iyo baaritaano socda

Cabdi Cade

(Sawirro) Muuse Biixi oo sameeyey arrin uu kaga dayday Madaxda dowlad goboleedyada

Caydiid Ali

Wax badan ka Ogow Eeygii loo adeegsaday Dilkii Hogaamiyihii Kooxda Daacish !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---