Allbanaadir.com
NEWS

Xiliga Safaarada Maraykanka ee Israel loo soo wareejinayo Magaalada Qudus oo la shaaciyey

Madaxwayna ku xigeenka Mareykanka Mike Pence, ayaa maanta shaaciyay in safaaradda Mareykanka laga soo wareejinayo magaalada Tel Aviv,loona soo wareejin doono Qudus sanadda 2019.

Mr Pence ayaa arrintan ku dhawaaqay xilli uu khudbad u jeedinayay baarlamaanka Israa’iil.

Intii uu khudbadda jeedinayay ayaa waxaa muddo kooban hadalkiisa carqaladeeyay koox xildhibaano asalkoodu carab yahay oo ka soo horjeeda go’aanka Mr Trump.

Magaaladda Qudus ayaa gundhig u ah khilaafka Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Israa’iil ayaa u aragta magaaladda Qudus caasimadeeda lama taabtaanka ah , halka Falastiiniyiinta ay u arkaan in ay tahay caasimadda mustaqbalka dowladda Falastiin.

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bishii aanu soo dhaafnay ku dhawaaqay in magaaladda Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan ku waayay Xil Wasiirnimo oo loo magacaabay dhaar uu gefay !!!

Cabdi Cade

Al-shabaab oo dagaalyahano badan looga dilay Weeraro dhinaca cirka ah

Caydiid Ali

Maxkamad ka laabatay Xukun adag oo ay horey ugu riday nin katirsanaa Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---