Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Ahmed Awad oo ka qeyb galay Shir looga hadlayay Gantaal Sacuudiga lagu weeraray (Daawo Sawirro)

 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Isse Awad ayaa uga qeybgalay Magaalada Jeddah ee Boqortooyada Saudi Arabia shir gaar ah oo Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Islaamka ay kaga tashanayeen gantaal baalisti ah oo fallaagada Xuutiyiinta ay la beegsadeen Caasimadda Riyadh.

Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa khudbad ku baxaysay Afka Carabiga ka jeediyay shirkaasi, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay barbar taagan tahay Dowladda Sucuudiga, ayna si kulul u cambaareyneyso falka cadowtooyada leh ee Xuutiyiintu ku weerareen dalkaasi, waxaana uu soo jeediyay si dhibaatooyinka ka jira dunida muslimka loo xaliyo ay laga maarmaan tahay isbaheysi dhab ah oo taabbagal ah.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, waxa uu kulamo kala gaar gaar ah kula yeeshay Jeddah Wasiirada Arrimaha Dibadda Djibouti H.E. Mr. Mahmoud Ali Youssouf, Saudi Arabia H.E. Mr. Adel Al-Jubeir, Maldives H.E. Dr. Mohamed Asim iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Sudan H.E. Mr. Hamid Mohamed E. Momtaz.

Wasiirku waxa kale oo uu la kulmay Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Dr. Yousef bin Ahmad Al-Othaimeen iyo Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Islaamka Mr. Bandar Hajjar.

Kulamadaasi oo Wasiir Cawad kala hadlay mas’uuliyiintaasi kala duwan danaha Soomaaliya iyo dhinacyadaasi ay wadaagaan ayaa muujiyay sida dalkiisu ugu diyaar yahay maalgeshi kadib hanaqaadkiisa siyaasadeed iyo midda ammaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirada Galmudug oo lagu dhawaaqay (Xubno aan la fileyn oo ka mid noqday)

Caydiid Ali

Jubbaland oo u digtay dayuuuradaha ka dega Raaskamboni

Caydiid Ali

Sargaal sare oo katirsan golaha dagaalka ee Israa’iil oo kahor yimid Qorshaha Netanyahu

Cabdi Cade
Taboola Ads ---