Gudoomiyihii Guddiga dib u dhiska Wadooyinka magaalada Muqdisho Farxaan Xuseen Xaydar ayaa shaaca ka qaaday in uu xilkaasi iska casilay , kadib muran iyo is qab qabsi soo kala dhax galay Ganacsatada gobolka Banaadir.
Qoraal uu soo saaray Gudoomiyihii Guddiga dib u dhiska Wadooyinka Muqdisho ayuu ku cadeeyay in uu xilkaasi iska casilay, waxa uuna is casilaadiisa Ogeysiiyay Madaxda Rugta Ganacsiga , Ganacastada gobolka Banaadir iyo daladda Gaadiidleyda.
Farxaan Xuseen Xaydar ayaa sababta uu isku casilay ku sheegay is qab qabsi soo kala dhax galay ganacsaada gobolka Banaadir, waxaa sidoo kale laga soo xigtay in uu ka cabsooday in la xado lana musuq maasuqo lacagaha ganacsatada ku bixiyaan dhismaha Wadooyinka.
Waxaa 18-kii bishii October ee sanadkii hore Gudoomiyaha Guddiga Dib u dhiska Wadooyinka magaalada Muqdisho iska casilay Cabdulaahi Nuur Owdiini, kadib farao galin qaawan oo ka timid rugta Ganacsiga oo sameesatay akoono gaar ah.
Gudoomiyaha guddiga Dib u dhiska Wadooyinka ee maanta iska csilay waxaa horey u magacaabay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo horey loogu eedeeyay in ay dooneyso in ay leexsato lacagaha loogu tala galay dib u dhiska Wadooyinka Muqdisho.
Halkan ka Akhriso Qoraalka Is casilaada Gudoomiyaha Guddiga Dib u dhiska Wadooyinka Muqdisho
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com