Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qaramada Midoobay oo Shaacisay Khasaaraha ka dhashay Madaafiicdii ku dhacday Xarunta Xalane

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa si kulul u cambaareeyay madaafiic khasaaro geesatay oo maanta kusoo dhacday xarunta Xalane oo xafiisyo ku leeyihiin Qaramada Midoobay.

Nicholas Haysom ayaa sheegay in madaafiicda maanta kusoo dhacday xarunta Xalane ay ku dhaawacmeen labo kamid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay, waxa uu sidoo kale sheegay in qof kale oo qandaraasle ah isna ku dhaawacmay madaafiicda .

Waxa uu sheegay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya in xarunta Xalane lagu soo weeraray ilaa 7-madfac , waxa uuna xusay in dhaawacyada shaqaalahooda kasoo gaaray duqeyn uusan halis badan ku aheyn noloshooda.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa weerarka Madaafiicda loo adeegsaday ku tilmaamay mid xadgudub ku ah sharciga bani’aadminnimada ee caalamka.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada duqeynta maanta lala eegtay xarunta Xalane ay dagan yihiin Qaramada Midoobay, AMISOM iyo qaar kamid ah Safaaradaha Reer Galbeedka ku leeyihiin Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin ajnabi ah oo la socday Diyaaradii ku degtay Xiindheere oo la dilay iyo kuwa baxsaday

Cabdi Cade

Akhriso Magacyada & qabiilada Xildhibaano cusub oo ka mid noqday baarlamanka Galmudug

Caydiid Ali

RW Kheyre oo ka hadlay ujeedada laga leeyahay in doorasho qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---