Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaafiic lagu Weeraray xarunta AMISOM ee Xalane & Wararkii ugu dambeeyey

Tiro Madaafiic ah ayaa lagu weeraray xarunta Xalane oo fariisin u ah ciidamada AMISOM, isla markaana ay ku taallo xarunta UN-ka ee Muqdisho.

Goob-joogayaal ku sugan agagaarka Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay iney maqleen daryanka afar Madfac oo la sheegay inay hoobiyeyaal ahaayeen, kuwaasoo ku dhacay nawaaxiga xarunta Xalane ee garoonka dayuuradaha Aadan Cabdulle.

Inkastoo aan weli aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay duqeyntan haddana Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay jiraan dad ku dhaawacmay.

Madaafiicda oo aan la ogeyn halka laga soo tuuray ayaa lala eegtay xerada Xalane oo ah xarunta ugu weyn ee AMISOM, waxaana ku yaalla safaarado dhowr ah iyo xafiisyada UN-ka ee magaalada Muqdisho, waana goob si aan caadi aheyn loo ilaaliyo.

Warbaahinta Alshabaab ayaa sheegtay inay weerar madaafiic ah ku qaadeen xarunta Xalane, iyadoo weerarkan lagu soo beegay sanadka cusub ee 2019 oo maanta caalamka ka bilowday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya oo tijaabineysa in Dhiiga cad lagu daweyn karo dadka qaba Caronavirus

Cabdi Cade

Jubbaland oo si Layaab leh uga hadashay Diyaaradii loo diiday in ay ku degto Garbahaarey

Cabdi Cade

Sacuudiga oo xukun qoor goyn ah ku fuliyay Axmed Maxamed Xasan oo Soomaali ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---