Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Al-Shabaab oo xukun adag ku fulisay nin la sheegay inuu kufsi geystay

Maxkamada Al-shabaab ee gobolada Jubbooyinka ayaa xukun ku fulisay Nin  lagu eedeeyey inuu kufsi u geystay qof dumar ah.

Fagaare ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ayaa xukun karbaash ah lagula fuliyay wiil dhalinyara ah oo la sheegay inuu baadiyaha degmadaas ku kufsaday haweenay carruur wadatay.

Ninka oo Al-shabaab aysan sheegin magaciisa ayaa lagu dhuftay 100 jeedal oo karbaash ah iyo musaafurin.

Fagaaraha xukunkan lagu fulinayey waxaa ku sugnaa dadweyne fara badan oo Al-shabaab ay ku wargeliyeen iney goobtaas iskugu yimaadaan si ay u daawadaan fulinta xukunkan.

Xarakada Al-Shabaab ayaa gobollada ay ka maamusho Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya waxay ka fulisaa xukuno isugu jira, jeedalin, gacan goyn, dil iyo kuwo kale oo lagu fuliyo dad dembiyo kala gedisan lagu eedeeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Shirweynihii Madasha Xisbiyada Qaran oo dib loo dhigay iyo hal Sabab oo keentay

Cabdi Cade

Nin Muuqaallo anshax xumo ah ka duubay Gabdho da’yar ah oo Xukun adag lagu riday

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo si lama filaan ah uga laabtay go’aan adag oo uu dhowaan shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---