Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Danjirihii hore ee Turkiga u fadhiyey Somalia oo xil cusub loo magacaabay

Dowladda Turkiga ayaa xil cusub u magacowday Olgan Bekar oo ahaa danjirihii dhowaan la bedelay ee u fadhiyey Somalia

Ambassador  Olgan Bekar ayaa la sheegay in loo magacaabay Ergayga gaarka ah ee dowladda Turkiga u qaabilsan Wada-hadalada Dowlada federaalka iyo Maamulka Somaliland.

Danjiraha Somalia u jooga dalka Turkiga, Ambassador Jaamac A. Maxamed ayaa xaqiijiyey magacaabidan.

Waxaa uu sheegay in Ambassador  Olgan Bekar uu kaalin muhiim ah ka qaatay Xoojinta Xirirka  Somalia iyo Turkiga, haatana uu ka shaqeyn doono wada-xaajoodka labada dhinac.

Somaliland weli kama hadlin aragtideeda ku aadan ergeygan cusub, balse dowlada Somalia iyo maamulka Somaliland ayaa sanado ka hor wadahadalo ku yeeshay dalka Turkiga inkastoo natiijooyin waaweyn aysan ka soo bixin.

Somaliland oo 28 sano ka hor sheegatay iney ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa dedaal ugu jirta in loo aqoonsado dal madax banaan balse ma jirto weli dowlad aqoonsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Israel oo askar hor leh looga laayey xadka Lubnaan

Caydiid Ali

Maxkamada ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah ku riday Cabdullaahi Ibrahim Yarow

Cabdi Cade

Madaxii Hay’adda Verenel Association ee Soomaaliya oo Muqdisho lagu dilay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---