Wasaaradda Caafimadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku socda dhaqaatiirta Ajaaniibta ah ee ka howlgalla Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Waxaa Dhamaan lagu amray inay iska soo diiwaangeliyaan wasaarada caafimaadka ee Somalia iyagoo la imanaya sharciga ay dalka ku joogaan iyo shahaadooyinkooda la xiriira aqoontooda caafimaad.
Isbitaalo badan oo ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka howlgalo ka howgala rag ajnabi oo u badan kuwo laga keenay dalalka carabta qaarkood sida Sudan, Masar iyo Siiriya, kuwaasoo sheegta iney dhaqaatiir heysta shahaadooyin sare balse aysan jirin cid xaqiijin karta.
Amarkan ayaa lagu sheegay inuu yahay mid lagu hubinayo tayada Shaqaalaha Caafimaad ee Ajaanibta ah waxaana wareegtada oo soo baxday 17kii bishan ay ay qorneyd sidatan:-
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com