Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Weriye ka tirsanaa Warbaahinta Qaranka oo loo magacaabay guddoomiye degmo

Weriye ka tirsanaa Wasaarada Warfaafinta Xukuumadda federaalka Somalia ayaa loo magacaabay gudoomiyaha degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Wareegto ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Ismaaciil Cumar Mukhtar (Orange) loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee degmada C/casiis.

Ismaaciil Orange ayaa ka mid ahaa weriyeyaasha ka howlgala warbaahinta ku hadasha codka dowlada, gaar ahaan Telefshinka Qaranka iyo idaacadda radio Muqdisho.

Gudoomiyihii xilka hayey ee degmada C/casiis ayaa xilka laga qaaday, lamana sheegin sababta, waxayna arintan ku soo aadeysaa xilalka laga qaaday dhowr gudoomiye degmo oo lagu eedeeyey iney ku kaceen musuqmaasuq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Jeneraal Odawaa iyo Saraakiil kale oo maanta gaaray Galcad kormeerna sameeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada Itoobiya oo lagu eedeeyey iney dad ku xasuuqeen kaniisado ku yaalla Tigray

Caydiid Ali

Sacuudiga oo dalkiisa ka mamnuucay Muwaadiniinta dalal uu Maraykanku ku jiro

Caydiid Ali
Taboola Ads ---