Masjid kuyaala xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxaa salaada Janaasada lagula dukaday Allaha u naxariistee Marxuun Xildhibaan Axmed Mayoow Cabdulle (Korneel Ruush) oo shalay galab ku geeriyooday Muqdisho.
Salaada Janaasada Marxuunka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre , Xildhibaano , Wasiiro iyo masuuliyiin kala duwan.
Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in Xildhibaan Axmed Mayoow uu ahaa nin wanaagsan oo cibaadada alle ku dadaala , waxa uu sidoo kale xusay in ay ku weyneed Soomaalinimada, jeclaa hormarinta dowladnimada.
Xildhibaan Korneel Ruush ayaa shalay galab ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer, waxaana Xildhibaanka kamid ahaa xubnihii lagu soo doortay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com