Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Khasaaro geestay oo saakay ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Waxaa saakay qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso uu ka dhacay agagaarka Ex-Contarol Afgooye ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wariye tagay goobta qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in qaraxu ahaa Miino dhulka lagu aasay , waxa uuna Wariyaha xusay in xiliga qaraxu dhacayay in aysan jirin cid si gaar ah miinadaasi loogu bartilmaameedsanayay.

Inta la xaqiijiyay hal nin oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay ayaa halkaasi ku dhintay halka uu dhaawac soo gaaray qof kale oo haweeney ah oo hada lagu daweenayo isbitaal kuyaala Muqdisho.

Ciidamada amaanka ayaa gaaray halka uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan cidii ka dambeysay qaraxaasi iyo in ay jiraan qaraxyo kale oo goobtaasi ku aasan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xubno ka tirsan guddiga dib u heshiisiinta Galmudug oo gaaray Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Xogta lacagta Isra’iil uga baxday Dagaalka Xamaas iyo Xisbullah oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Madaxweyne hore oo dhaliilay Hanjabaadii kasoo yeertay Sheekh Shariif

Cabdi Cade
Taboola Ads ---