Allbanaadir.com
NEWS

War Deg Deg Ah: Madaxweynaha oo xilka ka qaaday Taabit iyo Gudoomiye cusub oo la magacaabay (Akhriso Digreeto)

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goordhaw xilka looga qaaday Gudoomiyihii gobolka Banaadir ahaana Duqa Magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed.

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Ing Cabduraxmaan Cumar Yariisow  .

Waxaa sidoo kale Wareegtadan xilka looga qaaday Gudoomiye kuxigeenadii maamulka gobolka Banaadir marka laga reebo Guddoomiye kuxigeenka Howlaha guud, waxaana la magacaabay Gudoomiye kuxigeeno cusub iyo Xoghaya guud ee maamulka.

Halkan ka Akhriso Digreetada kasoo baxday Madaxweynaha

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo)

 

Markuu arkay soo jeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha,  Federaalka & Dib-u-heshiisiinta;

 

Markuu wadatashi la sameeyey, islamarkaasna dhageystey talooyinka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya;

 

Madaxweyahu waxuu shaqsiyaadka hoose u magacaabay xilal ka kala ah:

  • Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir Ahna Duqa Muqdisho;

 

  • Maxamed Cabdullaahi Maxamed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasada;
  • Hussein Mohamed Nur waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Maamulka & Maaliyada;

 

  • Marwo Basma Omar Ahmed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta

 

    • Aadan Sheikh Cali Fidow waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Howlaha Guud

     

    • Xoghayaha Guud waxaa loo magacaabay Cumar Abdirisaak Xuseen

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sidee RW Hamze loogu soo dhoweeyey Magaalooyinka Qabri Dahare iyo Godey? (Sawirro)

Caydiid Ali

Xog cusub oo laga soo saaray Khasaaraha qaraxii Ex-Control & gurmadka socda

Caydiid Ali

Dagaal weji cusub leh oo ka qarxay Woqooyiga Siiriya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---