Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DP World oo amar la xiriira Ciida Chrismiska ku soo rogtay Shaqaalaha dekeda Boosaaso

Howlwadeenada shirkadda DP World ee gacanta ku haya dekedda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa soo saaray amar cusub oo la xiriira jadwalka shaqaalaha ka shaqeeya dekedda magaalada Boosaaso.

Qoraal ka soo baxay shirkadda ayaa lagu sheegay in wakhtiga shaqada laga dhigay Todobada Subaxnimo ilaa Kowda duhurnimo, inta laga gaarayo 15 bisha 1-aad ee sanadka cusub 2019.

Shaqaalaha u diiwaan gashan shirkadda DP World ayaa horey u shaqeyn jiray labada galin ee maalintii lamana oga waxa uu salka ku hayo go’aankan ay soo saartay DP World.

Dadka qaar ayaa sheegaya in amarkan ay soo saareen maamulka shirkadda DP World uu la xiriiro ciidda christmas-ka  iyo dabaaldega sanadka cusub ee ay u dabaal dagaan masiixiyiinta iyadoo maamulka sare ee shirkadda ay ku jiraan dad heysta diinta masiixiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo oo saakay kusii jeeda dalka …

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Weerar Khasaaro dhaliyay ka geesatay gudaha dalka Kenya

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyey dabkii ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla KM4

Caydiid Ali
Taboola Ads ---