Allbanaadir.com
NEWS

Kulan deg deg ah oo caawa ka socda xarunta Maamulka gobolka Banaadir

Xarunta dowlada hoose ee Muqdisho ayaa waxaa caawa ka socday kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir.

Waxaa kulankan ka qeyb galaya sida warar ku dhow dhow sheegayaan gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed,  ku-xigeenadiisa, guddoomiyeyaasha 17ka degmo ee gobolka Banaadir, iyo masuuliyiinta waaxyabaha dowlada hoose.

Kulankan oo ah mid albaabadu u laaban yihiin oo saxaafada aan looo ogoleyn ayaan la ogeyn illaa hadda waxyaabaaha looga hadlayo balse waxaa uu ku soo aadayaa xili guddoomiyaha gobolka Banaadir ay ku furan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay war ka soo baxay madaxtooyada oo ku saabsan dhulal dan guud ah oo la bixiyey iyo arrimo kale oo ku saabsan abaabulka shir ku saabsan aayaha gobolka Banaadir.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Wararkeena ugu soo horeeya insha ALLAAH

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Maxaa ka jira inuu Facebook kasoo hadlay taliyihii la waayey Shaah-macabe?

Caydiid Ali

Al Shabaab oo gubtay 7-gaari oo xamuul siday iyo Dowlada oo War kasoo saartay

Cabdi Cade

Shir u dhexeeya Madaxda Shanta dowlad goboleed oo caawa ka furmay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---