Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Masuul katirsan Maamulka Hirshabelle iyo ilaalo la socotay oo Weerar lagu dilay

Wararka ka imaanaya magaalada Baladeyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya  in kooxo hubeesan weerar ku qaadeen gaadiid uu la socday Gudoomiye kuxigeenka degmada Matabaan ee maamulka Hirshabelle.

Sida aan Wararka ku helnay gaadiidka uu la socday Gudoomiye kuxigeenka degmada Matabaan ilaalo la socotay ayaa ka tagay magaalada Baladweyne waxa ayna kusii jeedeen degmada Matabaan.

Weerarkan ayaa la sheegay in lagu dilay Gudoomiye kuxigeenkii degmada Matabaan Faarax Nuur Guure (Faarax Dheere), waxaa sidoo kale weerarkan ku dhintay qaar kamid ah askartii ilaalada u aheyd Gudoomiye kuxigeenka.

Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay ku baxeen goobta uu weerarku ka dhacay, waxaana halkaasi laga soo qaaday meydadka Gudoomiye kuxigeenka Matabaan iyo ilaaladii la socotay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS oo wadahadal la yeeshay Therese Kayikwamba

Cabdi Cade

Ozil iyo Gündogan oo u sharaxay Madaxweynaha Jarmalka kulankii ay la qaateen Erdogan (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo Mahadcelin ugu tagay guddoomiyaha golaha shacabka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---