War Saxaafadeed goordhaw kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir ayaa looga hadlay qoraalkii shalay kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ee lagu sheegay in ay jiraan dhul dan guud ah oo si sharci daro ah loo bixiyay.
Qoraalkan kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu beeniyay in ay jiraan dhul danguud ah oo dowladu leedahay oo la bixiyay, waxaana qoraalkan lagu sheegay in aysan bixin maamulka dhul dan guud ah oo Wasaaradi leedahay.
Maamulka Gobolka Banaadir qoraalkiisa ayaana lagu wada beenin in maamulka dhul bixiyay, hasa ahaatee Maamulka ayaa kaliya sheegay in aysan bixin dhul ay Wasaarada leedahay ,waxaana maamulka sheegeen in dhulka deegaanka ay u madax banaan yihiin.
Halkan ka Akhriso Qoraalka Maamulka gobolka kasoo baxay
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com