Allbanaadir.com
NEWS

Shil Diyaaradeed oo goordhaw ka dhacay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Waxaa goordhaw shil diyaaradeed uu ka dhacay gudaha garoonka Diyaaraha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay isku dhaceen labo diyaaradood oo garoonka taagnaa.

Sida aan Wararka ku helnay diyaarad Midowga Yurub leeyahay oo kusoo degtay garoonka Aadan Cadde ayaa ku dhacday diyaarad kale oo garoonka taagneed oo rakaab ka qaadeysay.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in Diyaarada Midowga Yurub u kireesan oo dooneysay in goob barkin ah gasho ku dhacday waxyeelana gaarsiisay diyaarad kuwa gudaha Soomaaliya u safra ah .

Shilkan ayaan dhalin wax khasaaro ah marka laga reebo waxyeelo soo gaartay labada diyaaradood ee isku dhacay, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay maamulka Garoonka oo ku aadan shilkan diyaaradeed .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maraykanka oo baahiyey Warbixin sir ah oo ku saabsan walxo duula oo la garan waayey

Caydiid Ali

Sudan iyo Yuhuuda oo kala saxiixday heshiisyo cusub oo xasaasi ah

Caydiid Ali

Galmudug oo wajaheysa Maalmo adag & Dhuusamareeb oo qarka u saaran..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---