Allbanaadir.com
NEWS

Faah Faahino kasoo baxaya Duqeyn Ciidamada Kenya saakay u geesteen Ceel Waaq

Ciidamada Milatariga dowlada Kenya ayaa saakay aroor hore duqeyn ku garaacay xaafado katirsan Degmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo, waxaana duqeyntan lala eegtay xaafado kuyaala degmadaasi.

Dadka ku dhaqan Ceel Waaq ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada Kenya madaafiic kusoo garaaceen degmada Ceel Waaq gaar ahaan xarun ay leedahay Shirkad Isgaarsiineed iyo guryo dad shacab ah degan yihiin.

Ciidamada Kenya ayaa duqeynta kadib la sheegay in ay gudaha usoo galeen qeybo kamid ah Degmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo , waxaana degmadaasi ku sugan ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntan saakay Ciidamada Kenya ku garaaceen degmada Ceel Waaq , waxaan sidoo kale wali la ogeyn sababta ciidamada Kenya ay Ceel Waaq u duqeeyeen.

Ciidamada Kenya ayaa marar badan duqeeyay deegaano iyo degmooyin dad shacab ah degan yihiin oo kuyaala gobolka Gedo, mana jiro cid ka hadasha ama difaacda duqeymaha Kenya shacabka ku beegsato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha ammaanka oo loo gudbiyey qaraar mamnuucaya in hub nukliyeer ah la geeyo…

Cabdi Cade

Puntland iyo Jubbaland oo ka fal celinaya Qoraalkii kasoo baxay Farmaajo

Cabdi Cade

RW Rooble oo waqti la qaatay Agoonta Booliska, kuna baaqay in la caawiyo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---