Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Askar Itoobiyaan ah oo la sheegay in lagu qabtay dagaalkii Kaxandhaale (Akhriso)

Maamulka degmada Gelinsoor ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay  in dagaal beeleedyadii maalmahan ka dhacayey degaanka Kaxandhaale ay ka qeyb galeen ciidamo Itoobiyaan ah oo xadka ka soo gudbay.

War-saxaafadeed uu soo saaray maamulka Gelinsor ayaa  lagu sheegay in dagaal ka dhacay degaan lagu magacaabo Deeqla oo ka tirsan Kaxandhaale lagu soo qabtay labo askari oo Itoobiyaan ah kuwaasoo ka barbar  dagaalamayay mid ka mid ah labada maleeshiyo maleeshiyo beeleed ee halkaas dirirtu ku dhexmareysay.

Xaalada Kaxandhaale ayaa maanta deganeyd ka dib dagaalo maalmihii la soo dhaafay ku dhexmaray labo maleeshiyo beeleed oo isku heysta dhul daaqsimeed halkaas ku yaalla, dad badan ayaana ku dhintay.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo hakiyey doorashada 4 ka mid ah kuraasta golaha shacabka

Caydiid Ali

Wasiirka Difaaca oo arrimo muhiim ah kala hadlay Raisedon Zenenga

Cabdi Cade

Xagee ku dambeeyeen 18 Mashruuc oo uu dhagax dhigay Madaxweyne Farmaajo?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---