Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiye Mursal oo ka hadlay qaabkii looga gudbay qalaalishii Siyaasadeed

Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay qalaalisihii siyaasadeed ee todobaadyadii la soo dhaafay dalka soo maray iyo qaabkii looga gudbay.

Mursal ayaa sheegay in khilaafkii jiray uu saameyn ku yeeshay shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Gudaha iyo dibada, isagoo xusay in cashar laga bartay dhacdooyinkaas.

Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa intaas ku daray in marka la raadinayo xal siyaasadeed ay tahay in la qanciyo dhinac walba, taasina ay sababtay culeys siyaasadeed ee jira oo u baahnaa xal feker badan u baahan.

“Markii ay timaado arrin taabaneyso masiirka iyo maslaxada Ummadda Soomaaliyeed waxay naga sugayaan wax maslaxooda ku jirto, xildhibaanadii tanaasulay iyo kuwii nagu hurdo beelay waan u mahad celineynaa, waxayna ka mid aheyd waxyaabihii la idiin doortay” ayuu yiri Madaxweynaha.

Mursal ayaa hadalkan ka jeeddiyey fadhigii ugu horeeyey ee uu isugu yimid golaha shacabka ka dib todobaadyo uu hakad ugu jiray qalalaase siyaasadeed oo ka dhashay Mooshin laga keenay Madaxweynaha iyo kala diristii guddiga Maaliyadda.

Kulanka maanta ayaa looga dooday Miisaaniyada Xukuumada ee 2019 waxaana ka qeyb galay Wasiirka Maaliyadda oo la weydiiyey su’aalo ku miisaaniyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Rooble oo kulan la qaatay Hay’adaha amniga & Maamulka G/Banaadir (Sawirro)

Caydiid Ali

Nin Masaari ah oo sabab yaab leh loogu xiray Waddanka Sacuudiga (Sawirro+Video)

Caydiid Ali

Ciidanka dowladda oo howlgal qorsheesan ku dilay xubno katirsan Al Shabaab oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---