Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Xaalada Kaxandhaale oo degan & ciidan la dhex dhigay dhinacyadii dagaalamay (Sawirro)

Ciidamo isugu jira Nabad Sugid, Boolis iyo Millateri ayaa la sheegay in la kala dhex dhigay Maleeshiyaadkii ku dagaalamayey maalmahan deeaanka Kaxandhaale ee Gobalka Galgaduud.

Saraakiisha degaanka Kaxandhaale tagay ayaa waxaa ka mid ah taliyaha ciidamada Nabadsugida Galmudug Cabdi Dheere iyo saraakiil kale oo ka tirsan Militariga iyo booliska.

Ciidamada Halkaasi tagay ayaa waxaa ka mid ah Ciidanka Milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa qeybta 21aad ee ku sugan Gobalka Galgaduud.

Dagaaladii ka dhacay Deegaanka Kaxandhaale ayaa waxaa ku dhintay dad tiradooda lagu qiyaasay ku dhawaad 50, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.

Xaalada degaanka Kaxandhaale ayaa degan maanta, inkastoo ay weli is hor fadhiyaan maleeshiyaadkii maalmahan ku dagaalamayey, waxaana socda dedaalo ay wadaan waxgaradka gobolka oo la xiriira sidii xal waara loogu heli lahaa colaada oo salka ku heysa muran la xiriira dhul daaqsimeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

C/kaafi Maxamed Max’uud oo ka soo horjeestay xilka qaadis lagu sameeyey

Caydiid Ali

Finland oo dhaqaalihii ay siin jirtay DFS joojisay kaddib markii laga diiday in ay soo …

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: R/Wasaaraha Itoobiya oo kulan xasaasi ah a qaatay Madaxweyne C/fataax Al-sisi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---