Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiyaha Maxkamdaha sare ee dalka oo jeediyey hadal digniin ah

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa u digay dadka degaanada ay ka taliso Al-shabaab u garsoor doonta.

Baashe ayaa sheegay in Maxkamada Sare ee dalka aysan u dulqaadan doonin arintaas. dadka falkaas ku lug yeeshana ay wajahi doonaan cawaaaqibkeeda oo uu sheegay in xabsi ay ku muteysan doonaan.

Dadka wata Documentiyada been abuurka ah ayuu xusay iney u tagaan Al-Shabaab si ay u carqaladeeyaan hanaanka Garsoorka dalka, isla markaana uga soo horjeesteen Cadaaladda saxda ah.

“Waxaa jira dad looga guuleystay dacwado ka yaalla maxkamadaha dowlada oo documentiyada ay sitaan been abuur yihiin, dabadeedna si ay cadaaladda u hor istaagaan u taga cadowga dalka, waxaan doonaynaa in aan shacabka u sheegno in aanan u dulqaadaneyn iyadoo Garsoor Cadaalad ah dalka laga heli karo in cadowga loo tago.” ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamadda sare.

Dhawaan ayey aheyd markii magaalada Muqdishao lagu maxkamadeeyay dad shacab ah oo garsoor u doontay degaanada ay ka taliyaan kooxda Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiil Dhallinyaro ah oo Muqdisho lagu dilay iyo Faahfaahino kasoo baxaya cida dishay

Cabdi Cade

Deg Deg :Madaxweyne Farmaajo oo aqbalay xil ka qaadista Ra’isul Wasaare Kheyre

Cabdi Cade

Xildhibaan Kenyan ah oo qoray la galay fadhiga Baarlamaanka iyo argagax ka dhashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---