Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo dib u dhis ku sameeneysa garoomada Diyaaradaha dalka

Wasiirka Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee Xukumadda Soomaaliya ee Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa shaaciyay in dowlada sanadka cusub bilaabeyso in dib u dhis lagu sameeyo qaar kamid ah garoomada diyaaradaha dalka.

Waxa uu sheegay Wasiirka in sanadka cusub ee dhawaan curanaya in dib u dhis lagu bilaabi doono qaar kamid ah garoomada dalka kuyaala, waxa uuna xusay in qorshaha ugu horeeya ee dib u dhiska noqon doono garoonka diyaaradaha Baydhabo.

Dhinaca kale Maxamed Cabdullaahi Salaad  ayaa sheegay in Wasaaradiisa ay wado qorshe lagu mideenayo dhamaan taargada gaadiidka dadweynaha oo hada ah mid kala duwan gobolada dalka.

Wasiirka ayaa cadeeyay in ay isku afgarteen Maamul gobleedyada dalka ka jira in la mideeyo taargooyinka, si bulshada Soomaaliyeed Caqabadaha ka heysta dhanka taargooyinka ay uga baxaan.

Dowlada Soomaaliya ayaan gacanta kuwada heyn maamulka garoomada diyaaradaha dalka, waxaana inta badan garoomada kuyaala gobolada dalka maamula dowlad goboleedyada, halka dowlada dhaxe si buuxdo u maamusho kaliya garoonka Aadan Cadde.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhalinyaro Soomaali ah oo siyaabo kala duwan loogu dilay London (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Kheyre oo Cadeeyay hal arin oo laga maarmaan u ah helida nidaam Dowladeed oo dheeli tiran

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii ka dhacay Muqdisho iyo Al Shabaab oo ka hadashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---