Waxaan halkaan ku soo qaadanayaa 10 ballanqaad oo Madaxweynaha Puntland, Mudane Gaas u sameeyey Puntland xilliguu musharraxa ahaa iyo intuu hayey xilka Madaxweynaha.
- Miisaaniyadda oo lagu dhaqmo
Wuxuu inoo sheegay in uu siday tahay ugu dhaqmayo madaxyada miizaaniyadda. Waxa uu si tafaasiil ah, markii ugu horreysay, ugaga bixiyey shir ka dhacay PDRC. Waa arrin dhib ka jirtay xilligii Faroole. Waxaa aad ugu kharash badnaan jiray madaxa Madaxtooyada. Hase yeeshee marna sida hadda ay isugu dhex yaacday uma aysan dhoweyn.
- Jaangoynta Maaliyadda
Waxa uu Madaxweynaha inoo sheegay in uu canshuurta laga helo sigaarka ama qaadka loo jaangooyo in lagu kharash gareeyo caafimaadka ama waxbarashada.
Fikraddaas waxay ahayd wax aanana horay Somaliya loogaga dhaqmin.
- Dowlad kooban
Puntland waxaa dhib ka haystaa dowlad sal-ballaaran. Taas oo dhaxalsiisa in dakhli badan oo u soo xarooda dowladda lagu bixiyo mushahar, gunno iyo adeegga Wasiirrada, ku xigeennada iyo Wasiir-dowlayaasha. Halka ay dowladdu ku bixin lahayd adeegyo tira badan oo shacabku u hamuun qabaan. Madaxweynaha isagoo og taas buu ballan qaad ku sameeyey xilligii doorashada iyo shirkii PDRC. PDRC wuxuu ku ballan qaaday in uu dhisayo dowlad ka kooban 10 Wasiir. Waxaynu ka war helnay in uu tiradii uu Faroole ka dhaxlay uu ku sii daray Wasaaradda Dastuurka. Laba sano ka dibna wuxuu ku daray tan Horumarinta oo aan la aqoon waxa ay tahay shaqadeeda maadaama ay isku dhacayaan Wasaarad walba oo shaqadeedu tahay oo ka jirta Puntland. Ogoow qancinta beelaha ma laha xad ay ku ekaanayso ee go’aanka qofka madaxda ah bay u taallaa.
- Baca madoow gawaarida (tinting)
Madaxweynaha goortuu laba sano u talinayey Puntland buu meel fagaare ah ku iclaamiyey in uu mamnuucay bacaha madoow ee gawaarida lagu dhejiyo (tinting). Saxaafadda hortooda buu ku iclaamiyey in laga bilaabi doono gaariga Madaxweynaha oo uusan yeelan doonin bac madoow! “Hadalka Madaxweynuhu waa wareegto!” Halkaas baa lagu mamnuucay bacahaas. Muddo ka dib sidoodii bay ku soo noqdeen. Ka hor markaas wuxuu kaga hadlay furitaanka kalfadhiga parliament. Fiiqidda bacahaas iyo dib u fasixidda waxay saaneysaa faa’idada ay ka helaan kuwa ku ganacsada; musuqa bay kordhisaa waxay sidoo kale abuurtaa is afgaran-waa sababta dhibaatooyin badan.
- Haweenka
Shirka PDRC, waxaa gabar dhallinyaro ah weydiisay Madaxweynaha “waxa uga qorsheysan haweenka?”
Wuxuu ku jawaabay Madaxweynaha “in uusan aamminsaneyn in ay tahay khasab in dumar keliya loo dhiibo Wasaaradda Haweenka ee ay sidoo kale qaban karaan wasaaradaha kale.” Wuxuu ku daray “anigu waxaan u dhiibi lahaa Wasaaraddaas qof rag ah maadaama xaqqa ka maqan dummarka uu kaga maqan yahay rag!” Hadalkaas wuxuu cajabiyey dad badan oo ka soo qeyb galay shirkaas oo dhacay ka hor intaan Golaha Wasiirrada la magacaabin.
Waxaa beddelkeeda dhacay in ninkii keliya (DG) ee tarraxay haweenka ee ku jiray Wasaaraddaas, oo uu ugu yimid, uu ku beddelay gabar. Sidaasna lagu hungoobay riyadaas.
- Hoos u daadejinta maamulka
Wuxuu Madaxweynaha ka sheegay goob in “aysan ahayn in la soo waco Madaxweynaha si uu u xalliyo qof lagu xiray control-ka magaalada. Beddelkeeda ay tahay in la sameeyo maxkamad (judiciary system) la tacaasha arrimahaas. Waa hubaal in ay tahay arrin ka mida arrimaha ragaadiyey helitaanka maamul-wanaagga.
Xilligii uu musharraxa ahaa, Madaxweynaha, mar uu safar kaga yimid Muqdisho, wuxuu ku dhalleeceeyey Puntland “in ay Federaalka kula dirirto in ay rabto Dowladda ineysan hoos u daadejin oo ay rabto in wax walba Muqdisho laga maamulo. Hase yeeshee aysan Puntland, iyadu oggolayn inay maamulka hoos u daadejiso oo Madaxweynaha magacaabo Guddoomiyaha Gobolka ama Agaasimayaasha!” Waannu ognahay in Madaxweynaha beryo dhoweyd Xisaabiyaga Gardafuu uu isagu magacaabay!
- Jarriifku waa musiibo qaran
Jarriifka kalluunka oo dhibaato badan ku haysa xeebaha Puntland, waxaa sanad walba lagu qiyaasaa in Somalia ay khasaarto 2 billion oo dollars. Waxa loo aaneeyaa maraakiibta ay Puntland siiso rukhsada in aysan haysan imkaaniyaad ay ku ogaan karto qaabka, tirada iyo meesha ay ka kalluumeystaan.
Madaxweynaha isagoo og arrinkaas buu iclaamiyey “in uu u aqoonsaday kalluumaysiga sharci darrada ah, musiibo qaran!”
Waxaan ka dhaxalnay in Wasaaradda Kalluumaysiga noqotay tan ugu dhaqaalaha badan Puntland. Xattaa adeegga shaaha iyo sambuusiga, waxaa u soo taga Wasiirrada kale.
Kalluumeysatada yaryay waxaa shabaagadahooda burburiya maraakiibta waaweyn ee ku soo dhowaada xeebaha. Kolka aad booqato magaalooyinka ku yaalla xeebaha, waxaad is weydiineysaa magaalada ku dhex taalla badda, xilliga habeenkii.
Sanadkaan bilowgiisii waxaa Thailand ay qabatay markab rukhso ka sitta Puntland oo dhaafay xadkii uu u heystay rukhsasa. Wax tallaabo ah oo Puntland ka qaadday shitkaddaasna ma jirto.
- Soo dhoweynta Madaxweynaha
Shirka PDRC iyo furitaanka parliamen, 2 sano ka dib, wuxuu Madaxweynaha ballan qaaday in uusan aqbali doonin in mar dambe la soo dhoweeyo.
Sida la wada ogaoon yahay, waxaa dhaqanka soo dhoweynta madaxda ugu sarreysa laga dhaxlay waddammada ay ka taliyaan keligii-talisku. Waxaa ku baxa kharash badan oo laga maarmi karay.
Marka dambe wuxuu sheegay in uusan dalban soo dhoweyntaas, mar uu Xildhibaan weydiiyey su’aashaas.
Waxaa ku shaqeysta dad arrinkaas oo soo ururiya hablo nustaqbalkoodu uu mugdi ku jiro iyo arday laga soo kexeeyey schools kii ay dhigan jireen. Waxaad marar badan ku dhaafaysaa dariiqa iyagoo bus dushiisa saaran iyagoo naftoodu khatar gasho!
- Waddooyinka loo xiro Madaxweynaha
Waxaa marar badan laga cawday in magaaladii la kala xirayo kolka uu Madaxweynaha ku soo dal-noqonayo ama dhoofayo. Waa run in ammaanka Madaxweynaha ay muhiimadda koowaad leedahay. Misana, waxaa tixgelin mudan cabashada shacabka oo wada-dan ah. Kal fadhiga uu ku amray inaan la soo dhoweyn buu ku amray kuwa aminiga qaabilsan.
- Tirakoobka ciidammada
Madaxweynaha wuxuu PDRC iyo goobo kale ka sheegay in Puntland aysan ka jirin ciidammo ee ay ka jiraan “ciidan hebel!” Wuxuu iclaamiyey in uu isku dhafi doono. Wax laga qabtay arrinkaas ma jiro. Balse waa ay ka sii dartay arrinku. Xilligii dagaallada Galkayo, waxaa sameysmay xero kaamil ah oo ciidammo maleeshiyaad ah. Sidoo kale dagaalkii Tukarraq, talo farahay ka sii haadday. Waxaa hub saartay gawaari (tekniko) gattay Agaasimayaal iyo kuwo ka hooseeya.
Dib u habeynta ciidammada waa qodob aad muhiim u ahaa. Faroole wuxuu dhaxlay meel aysan waxba oollin. Waxa uu dhaxlay Madaxweyne Gaas wax bilow ah. Waxaa laga filayey in uu xal u helo ciidammada aan jirin ee meshaharka ay ku qaataan Taliyayaasha. In kastoo uu isku dayey misana diidmo xooggan uu kala kulmay. Misana waxay u baahnayd dhabar adeeg iyo ku adkeysi. Waxaase ka muhiimsanaan lahayd Taliyayaasha oo mushahar joogto ah qaatta.
Beddelkeeda waxaa dhacday dhacdo ugub ku ah Puntland! Waxaa dhaawac halis ah soo gaaray Wasiir. Xurguftii ciidammada waxaa lagu xalliyey si aan waafaqsaneyn sharciga ciidammada!
Haddaba arrimaha kor ku xusan oo dhan waa waxyaabo aan oggolahay in la xaqiijiyo. Waxaa dhammaantood laheli karaa video iyo website qoray xilligaas.
Arrinka keliya ee saxaafaddu ka daba qaadatay ee uusan Madaxweynaha fulin waayey “4.5 iyo Ban Ki Moon!” Waxaan doonayaa in aad sidoo kale eegtaan ballan qaadyada kor ku qoran oo ka muhiimsanaa kuwaas. Dhammaantood waxa ay ahaayeen kuwo ku jira awoodda Madaxweynaha oo uusan midna ka fulin isagoo, siday tahay, u isticmaalaya awoodda shacabka Puntland ay ku aammineen
W/Q Raage Cabdulqadir
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com