Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Dagaal mar kale ka qarxay degaanka Kaxandhaale & Wararkii ugu dambeeyey

Dagaalo culus ayaa lagu soo waramayaa iney dib uga bilowdeen degaanka Kaxandhaale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, wuxuuna dhexmarayaa labo maleeshiyo beedeed oo halkaas ku dagaalamayey maalmahan.

Rasaasta ay isweydaarsanayaan labada dhinac ayaa si aad ah looga maqlayaa agagaarka Kaxandhaale sida ay xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ah oo aan la xariinay.

Dagaalka ayaa salka ku haya muran la xiriira dhul daaqsiin ah oo degaankaas ku yaalla kaasoo labada dhinacba ay wada sheeganayaan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo xalay la kala dhex dhigay maleeshiyooyinka labada beelood ayaa ku fashilmay iney xabad joojin kala dhex dhigaan dhinacyada dagaalamaya.

Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhintay dagaaladan maalmihii la soo dhaafay, halka qaar kale ay ku dhaawacmeen, waxaana socda dedaalo nabadeed oo ay wadaan odayaasha beelaha labada dhinac inkastoo weli aysan miradhal noqonin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DP World oo amar la xiriira Ciida Chrismiska ku soo rogtay Shaqaalaha dekeda Boosaaso

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray qaar ka mid ah dugsiyada G/Banaadir (Sawirro)

Caydiid Ali

Wiil Feeryahan ahaa oo u dhintay feer Madaxa looga dhuftay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---