Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo booqday Xerada 21-aad iyo Ciidamo lagu wareejiyay(Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya uu wehliyo taliyaha ciidanka Milatariga ayaa maanta booqday xerada 21-aad ee Ciidanka Milatariga Soomaaliya oo ay ku xareesan yihiin ciidamo katirsan Ahlu Sunna.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhageestay saraakiisha ciidanka Ahlu Sunna ee xeradaasi ku sugan , waxa ayna Saraakiisha Madaxweynaha warbixin kooban ka siiyeen xaaladooda iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin in Al Shabaab la dagaalamaan.

Saraakiisha Ciidanka Ahlu Sunna ee ku sugan Xerada 21-aad ayaa u sheegay Madaxweynaha in ciidankan u baahan yihiin taageero dhinacyo badan una diyaarsan yihiin difaaca dalkooda.

Ciidamadan ku xareesan Xerada 21-aad ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay dowlada Federaalka Soomaaliya, waxa ayna ciidankan qeyb ka noqon doonaan ciidanka Xooga Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bogaadiyay ciidankan, waxa uuna sheegay in hada kadib ay qeyb ka yihiin Milatariga Soomaaliya ayna heli doonaan xaquuq lamid ah tan ay helaan ciidanka kale ee Milatariga.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulan looga hadlayo Qodob culus oo la iskugu yeeray Xildhibaanada Golaha shacabka

Caydiid Ali

(Sawirro) Muxuu Axmed Madoobe ku soo arkay xaafadaha degmada Dhoobley?

Caydiid Ali

Nin Dilay arday Muslimiin ah oo lagu riday xukun adag (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---