Allbanaadir.com
NEWS

Sarkaal horey uga tirsanaan jiray CID-da Maraykanka oo xabsiga loo taxaabay

Sarkaal horey uga tirsanaan jirey hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA-da ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii sida la sheegay lagu heley in uu si gaar ah u kaydsaday xog muhiim ah oo ay sharci daro tahay inuu haysto.

Ninkan oo lagu magacaabo Jerry Chun Shing Lee oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Shiinaha ayaa qaatay dhalashada Maraykanka isagoo CIA u shaqaynayay intii u dhaxaysay 1994-tii illaa 2007-dii.

Waxaa la sheegay in wixii markaas ka dambeeyay uu u wareegay magaalada Hong Kong, balse markii uu Maraykanka kusoo laabtay 2012-kii, xiligaas oo FBI-da ay hoteelkii uu degenaa ka heshey buugaag ay ku qoran yihiin macluumaad la xiriira magacyo iyo taleefoonada dad CIA-da ka tirsan oo si qarsoodi ah u shaqaynayay.

Mr Lee ayaa horey u saxiixay cahdiga ah in uusan faafin doonin sirta Maraykanka, isaga oo heystay ruqsadda amniga Maraykanka

Waxaa sidoo kale ninkan lagu tuhmay inuu dowlada shiinaha u gudbiyey macluumaad qarsoodi ah oo CID-da uu ka xaday.

Wasaaradda caddaaladda Maraykanka ayaa sheegtay in haddii ninkan lagu helo dambiga ah in uu kaydsaday xog sir ah si sharci darro ah uu wajihi karo 10 sano oo xarig ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Halkuu ku dambeeyay Qorshihii la doonayay in Muqdisho lagu keeno Hogaanka Ahlu Sunna ?

Cabdi Cade

Madaxweynihii hore ee Kenya oo lagu xukumay inuu bixiyo 10 Milyan oo dollar

Caydiid Ali

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Amb. Mohamed Rashid (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---