Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Danab & kuwo Maraykan ah oo Al-Shabaab kala wareegay degaan cusub (Daawo Sawirro)

Ciidamada Xoogga dalka Qeybta 43aad,  kuwa Kumandoska Soomaaliya iyo ciidamo Kenyan iyo Maraykan ah ayaa Al-shabaab kala wareegay degaanka Baar Sanguuni oo qiyaastii Kismaayo u jira 45km.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Qeybta 43aad General Ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Kumaandoska DANAB ay Al-shabaab ka saareen degaanka Sanguuni ee gobolka Jubbada hoose

Howlgalka Al-Shabaab looga saaray degaanka Sanguuni ayaa waxaa ka qeyb qaatay diyaarado helikobtar ah oo ay wateen ciidamada Mareykanka sida uu sheegay Jen. Saxardiid

Todoba dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab uuna ku jiray sarkaalkii u qaabilsanaa degaanka ayuu sheegay Jen. Saxardiid in lagu dilay dagaalka ka dhacay Sanguuni isagoo intaas ku daray in labo ka mid ah gaadiidka dagaalka Al-shabaab laga qabsaday.

Al-Shabaab ayaan ka hadlin dagaalka la sheegay in looga qabsaday degaanka Baar Sanguuni ee gobolka J/hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raiisul wasaare Khayre oo kulan la qaatay Madaxweyne Deni iyo Islaan Ciise islaan Maxamed Safar uu ku tagay Garoowe(Daawo Videio)

admin

Milateriga Israel oo dilay dhalinyaro Falastiiniyiin ah & xiisad ka dhalatay (Sawirro)

Caydiid Ali

Imaaraadka oo aqbalay danjire ay Taliban u dirsatay dalkaasi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---