Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Dil caawa ka dhacay Magaalada Boosaaso & howlgalo ka socda

Askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada maamulka Puntland ayaa caawa fiidnimadii lagu toogtay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Warka ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay geysteen dilka askarigan oo ku sugnaa bartamaha magaalada kuwaasoo goobta ka baxsaday markii dambe.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ciidamada amaanka magaalada Boosaaso ay gaareen goobta lagu dilay askariga, iyagoo halkaas ka qaaday meydkiisa.

Sidoo kale, ciidamada ayaa halkaas ka wada howlgalo lagu baadi goobayo kooxaha dilka geystay, iyagoo si gaar ah baaritaano uga wada xaafado halkaas ku dhow oo la sheegay iney galeen ragga dilka fuliyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Booliska DF oo War ka soo saaray halka uu marayo kiiska dilkii Xamdi Maxamed

Caydiid Ali

Golaha Wasiirrada Galmudug oo ansixiyay gobol cusub oo lagu soo kordhiyay Galmudug

Cabdi Cade

Imaaraadka oo lacag siinaya Musharax Madaxweyne iyo Qadar isbadal ku sameysay qorshihii…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---