UK ayaa noqotay dalkii sadexaad qaarada Yurub ee ku dhawaaqay inuu ka dilaacay cudurka Jadeecada, waxaana laga xaqiijiyay illaa shan meelood, tirakoobkana waxa uu gaaraya 120 qof dadka uu soo ritey illaa hadda.
Meelaha laga soo sheegay cudurka ee dalka UK ayaa waxaa ka mid ah West Yorkshire, Cheshire, Liverpool, West Midlands, Surrey iyo Manchester.
Waxaa jira talaal loogu talogalay dadka cudurkaas uu soo ritey, waxaana bulshada lagula taliyay inay caruurahooda talaalaan.
Halista waxay ku sii badan tahay dadka aanan talaalka qabin ee u safraya dalalka Romania iyo Talyaanida oo cudurka uu horey uga ka dilaacay
Ilmaha jira 18 sano iyo dadka waaweyn ee aanan horey u qaadan talaalka ayaa lagula taliyay in ay qaataan talaal ka dabo tag oo cudurka looga hortagi karo.
Jadeecadaha waa cudur faafa, la kala qaada, dhibkiisu badanyahay, marar dhif iyo naadir ahna loo geeriyoon karo.
Astaamaha waxaa ka mid ah sanka oo uu duuf kaa qulqulo, hatisho, qifac( riiraxyo) indhaha oo gaduuta, iyo jirka oo ay nabaro kasoo yaacaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com