Allbanaadir.com
NEWS

Labo ka mid ah Madaxda dowlad goboleedyada oo gaaray Dhuusamareeb (Daawo Sawirro)

Madaxweynayasha dowlad gobaleedyada Puntland Cabdi weli Maxamed Cali Gaas iyo Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan, Wasiiro, Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Dhuusamareeb ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha labada wafdi

Labadan masuul ayaa ka qeyb galaya shirka lagu dhameystirayo heshiiskii madaxda Galmudug iyo Ahlusuna ay kala saxiixdeen, iyadoo sidoo kale wafuud kala duwan ay ku soo qulqulayaan magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi, Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka iyo Aqalka sare iyo Masuuliyiin kale ayaa ku sugan Magaalada Dhuusamareeb, waxaana gabagabo maraya qaban qaabada shirka dhameystirka heshiiska Galmudug iyo Ahlu sunna oo maalinta beri ah ka furmi doona halkaas.

Axmed Madoobe oo ah Madaxweynaha Jubballand ayaa ka cudurdaartay ka qeyb galka shirkan isagoo xusay iney u yaalaan howlo muhiim ah oo uusan ka soo tegi Karin, wuxuuna hambalyo u diray shirka Dhuusamareeb iyo maamulada Midoobaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) C/kariin Guuleed oo 3 sano ka dib qoraal xasaasi ah ka soo saaray xaalada dalka

Caydiid Ali

(Daawo) Xassan Shiikh oo khudbad uu jeediyey kaga hadlay arrimo badan oo xasaasi ah

Caydiid Ali

Akhriso :Shaxda Diblomaasiyadda Soomaaliya ee Xiisada Itoobbiya iyo Masar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---