Allbanaadir.com
NEWS

Arday Imtixaanka Kuleejkooda loogu soo daray Su’aal lama filaan ku noqotay !!

Ardayd dhigata Kuleej kuyaala dalka Shiinaha ayaa lama filaan ku noqotay su’aal lagu soo daray imtixaan laga qaadayay, waxaana ardayda qaarkood ku adkaatay ka jawaabida su’aashaasi oo aheyd mid fudud.

Imtixaanka ardayda laga qaadayay ayaa lagu soo daray in ay sheegaan magacyada macalimiintooda, waxaana loo soo sawiray wajiyada macalimiinta iyadoona ardayda laga rabay in sawirka hoostiisa ku qoraan magacyada macalimiinta.

Wargeyska China Youth Daily, ayaa qoray in su’aashaasi ardaydii ka jawaabi weysa aysan heli dooni buundo dheeraad ah halka ardagii si sax ah uga jawaaba isna la siin doono buundooyin dheeraad ah.

Arinta la yaabka leh ayaa aheyd in ardaygii qalda su’aasha magacyada macalimiinta laga jarayo 41 buundo, halka ardaygii ka jawaaba su’aashaasi uu helayo boqolkiiba 30% ee guud ahaan buundooyinka lagu saxayo imtixaamka.

Hu Teng oo ah macalin wax ka dhiga Kuleejkan ayaa sheegay in ujeedka su’aashan a tahay mid lagu doonayo in aradayda si fiican u bartaan macalimiintooda sidoo kale ardayda si fiican ula socdaan waxa ka socda kuleejka ama iskuulada ay dhigtaan.

Dadka qaarkood oo arintan ka aragti dhiibtay ayaa sheegay in su’aashaasi qalad aheyd in imixaanka lagu soo daro hadlka dadka qaarna soo dhaweeyeyn kuna tilmaameyn mid muujineysa in ardayda xushmad u qaadaan macalimiintooda si fiicana u bartaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ajnabi katirsanaa Al Shabaab oo doonayay in uu ku baxsado doon oo la qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Diyaarado caawa lagu weeraray magaalada Tel Aviv iyo korontadii oo…

Cabdi Cade

Xaalad adag oo ka taagan helitaanka Baasaboorka dalka Sweden ka dib markii..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---