Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed oo xilka si rasmi ah ula wareegay (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/ Casiis Xasan Mohamed Lafta gareen ayaa maanta xilka si rasmi ah ula wareegay, kadib munaasabad kooban oo ka dhacday Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye oo sidoo kale ahaa kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa maanta xilka ku wareejiyay Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed.

Munaasabada xil wareejinta waxaa kasoo qeyb galay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka, Xildhibaano iyo Wasiiro katirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo xubno kale oo munaasabada lagu casuumay.

Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ee maanta si rasmi ah ula wareegay xilka ayaa balan qaaday in uu la imaan doono waxqabad muuqda kana shaqeyn doono amaanka iyo horumarka Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo safar yaab leh ku tagaya dal ka tirsan Yurub

Caydiid Ali

Ruushka oo xabsiga dhigay weriye lagu eedeeyey inuu u basaasayey Mareykanka

Caydiid Ali

Jen. Odowaa oo amar cusub siiyey ciidamada dagaalka adag kula jira Al-shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---