Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Sida Quruxda badan ee Farmaajo loogu soo dhaweeyay Dhuuso Mareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa shalay galinkii dame gaaray magaalada Dhuusamareeb .

Madaxweyne Farmaajo oo kasoo amba-baxay magaalada Cadaado, ayaa socdaal dhanka dhulka ah ku soo maray deegaannada Goodinlabe, Mareer Gur iyo Mirrig ee ka tirsan gobolka Gal-guduud.

Madaxweynaha ayaa si heer sare ah waxaa ugu soo dhaweeyey Dhuusamareeb Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Mudane Abshir Axmed (Bukhaari), Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Carabeey, Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Galmudug iyo Hirshabeelle, Xildhibaanno heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa goob fagaare ah kula hadlay dadweynihii isu soo baxay, isagoona ku ammaanay sida wadinayadda leh ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Dhuusamareeb waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa madaxda heer Dowlad goboleed iyo heer degmo iyo  culumada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

K/Galbeed oo shaacisay doorashada 6 ka mid ah kuraasta Golaha shacabka (Akhriso)

Caydiid Ali

Dagaal ka dhacay Kismaayo & UK oo ka digtay qorshe halis ah oo ay damacsan yihiin Al-Shabaab !!

admin

Duufaan aad u xoogan oo ku dhufatay Florida (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---