Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo isbadal ku sameeyay Guddiga Maaliyada (Akhriso)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa dib u eegis iyo isbadal ku sameeyay Xubnaha Guddiga Maaliyada iyo Miisaaniyada Gollaha Shacabka.

Wareegto kasoo baxday Gudoomiyaha Golaha shacabka ayaa isbadal loogu sameeyay xubnaha guddiga Maaliyada gaar ahaan waxaa la badalay oo guddiga laga saaray xubno muhiim ahaa ay ku jiraan gudoonka guddigaasi.

Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyada Golaha shacabka ayaa laga saaray Gudoomiyihii Guddiga, Guddoomiye kuxigeenka iyo Xoghayihii Guddiga, waxaana xubnahan lagu badalay kuwa cusub oo horey uga tirsanaa guddiyo kale.

Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa isbadalkan uu ku sameeyay xubnaha guddiga Maaliyada iyo Miisaaniyada lagu soo waramayaa in ay ku timid cadaadis kaga yimid dhinaca Madaxtooyada oo ka dalbatay in guddiga isbadal ku sameeyo hadii uusan kala direyn.

Halkan ka Akhriso Digreetada Gudoomiaha golaha shacabka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada ciidamada Qalabka sida oo xafiis ka furaneysa Magaalo ku taalla gobolada dhexe

Caydiid Ali

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Aadan Madoobe oo kulan sagootin ah la qaatay Magatte Guisse & Marwo Sanaa Omer

Caydiid Ali
Taboola Ads ---