Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiil & dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo dil & dhaawac loo geystay iyo ajnabi Nolol lagu soo qabtay (Magaciisa)

Milatariga Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa weeraray saldhig xoogaga Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo ku sugan Sh/hoose ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid lagu beegsanayay Fariisin ay leeyihiin xoogaga Al-shabaab laguna dilay Saraakiil iyo Dagaalyahano.

Saraakiisha iyo dagaalyahanada ka tirsan ka tirsan Al-Shabaab ayaa markii la weerarayey lacago ka ururinayey dadka ku nool degaanka iyo Gaadiidka Tooratoorow sida ay baahisay idaacad ku hadasha codka ciidamada qalabka sida.

Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in shan ka mid ah dagaalyahanada Shabaab ay dileen, sidoo kale Labo sarkaal ay mid dileen mid kalena dhaawaceen.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in saraakiil ka tirsan Shabaab ay dagaalkaasi ku qabatay, waxaana dadka la qabtay ay sheegeen inuu ka mid yahay nin magaciisa ay ku sheegeen Iqra Cubeyd kaasoo heesta dhalashada Wadanka suudaan kaasoo la sheegay inuu ahaa  ku xigeenka madaxda qaraxyada Al-Shabaab.

Saraakiisha Milatariga ayaa sheegay inay soo bandhigi doonaan magacyada Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Shabaab oo dagaalkaasi lagu dilay, kuwaasoo ay sheegeen inay ahaayeen xubno muhiim ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muwaadiniinta reer Britain ee ku nool dalka Itoobiya oo digniino adag loo jeediyey

Caydiid Ali

Madaxweyne Olusegun Obasanjo oo booqasho ku imanaya Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Dowladda Imaaraadka oo Mashaariic cusub ka hirgalineysa Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---