Allbanaadir.com
NEWS

Agaasime Koofi oo kormeeray kastamka Tuur-dibi ee Xadka Somalia iyo Itoobiya (Daawo Sawirro)

Agaasimaha guud ee heyadda socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowlada Somalia G/sare Koofi ayaa kormeer ku sameeyey xaduuda Tuurdibi oo ka tirsan degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Koofi ayaa halkaas kula kulmey gudoomiyaha degmada, taliyaha booliiska degmada, wasiir ku xigeenka arimaha gudaha dowlad goboleedka Putland iyo xildhibaano, wuxuuna ka dhageystey warbixino khuseeya xadka Soomaaliya iyo Ethiopia ee ku beegan degmada Galdogob.

Sidoo kale agaasimaha ayaa kormeerey dhisme dhowaan laga hirgeliyey Tuurdibi kaasoo loogu talagaley inay ku shaqeeyaan saraakiisha socdaalka iyo kuwa canshuuraha.

Hadal uu agaasimaha Guud HSJ ka jeediyay Tur Dibi ayuu ugu mahadceliyay maamulka Puntland oo si gaar ah isaga xilqaamey inay ku dhameystiraan dhamaan adeegyada lagama maarmaanka u ah bar-xuduudeedka iyo weliba dhismaha laga hirgeliyey halkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Facebook iyo Twitter oo tir tiray Macluumaad khaldan uu Madaxweyne Trump soo dhigay !!

Cabdi Cade

(Sawirro) Dibed-bax ka dhan ah Guddoomiyaha deg. Waaberi oo Muqdisho ka dhacay

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Kheyre oo caawa daah-furay qorshe cusub oo lagu xoojinayo amniga (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali