Qarax xooggan ayaa goor dhoweyd abaarihii 11:00 barqanimo ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo faahfaahino ay ka soo baxayaan qaraxan oo aad u xoog badnaa meelo badana laga maqlay.
Sida aan wararka ku heleyno qaraxa oo loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda lagu aasay oo Remote Control laga hagayey ayaa ka dhacay agagaarka Maxkamadii hore ee Xararyaale oo ku taalla degmada Wardhiigley.
Qaraxa ayaa lala beegsaday gaari uu la socday Taliye ku-xigeenkii hore ee saldhiga Booliska degmada Dayniile oo magaciisa lagu soo gaabiyey Macalin Faarax.
Gudoomiye ku-xigeenka maamulka degmada Wardhiigley ayaa Allbanaadir.com u sheegay in Macalin Faarax uu ka badbaaday qaraxaas, aysana jirin wax khasaare ah oo ka dhashay, ciidamada amaanka ayaana halkaas gaaray kuwaasoo baaritaano ka bilaabay goobta.
Qaraxyada loo adeegsado miinooyinka wadooyinka la dhigo ee meelaha fog laga hago ayaa mudooyinkan ku soo badanayey magaalada Muqdisho, maalmo ka hor ayeyna aheyd markii qarax noocan ah oo ka dhacay jidka Warshadaha ay ku dhinteen saddex ka mid ah ciidamada dowlada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com