Allbanaadir.com
NEWS

Ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo oo muddo kooban loo diiday iney galaan Dhuusamareeb

Ciidamada gaarka ah ee qaabilsan sugida amniga Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ee loo yaqaano Koofiya-cas  ayaa laga horjoogsaday muddo kooban iney tagaan Magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan oo saaka ka baxay magaalada Cadaado lagu celiyey bar control oo ciidamada ahlu suna ku leeyihiin degaanka Mareergur xili ay ku sii jeedeen Dhuusamareeb.

Ciidamada ahlu suna ayaa amar ku siiyey ciidanka Koofiya casta oo watay gaadiid dagaal iney hubka dhigaan.

Wararkii ugu dambeeyey ee hadda naga soo gaaray Mareergur ayaa sheegaya in ciidankii ilaalada Madaxweynaha loo fasaxay iney galaan Dhuusamareeb ka dib dedaalo ay sameeyeen masuuliyiin ka tirsan Galmudug.

Ciidanka Koofiya casta ayaa magaalada Muqdisho ka raacay Madaxweyne Farmaajo, iyagoo wax ka sugayey amaankiisa  mudadii uu booqashada ku joogay degaanada Puntland iyo Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo oo xalay ku hoyday magaalada Cadaado ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda gaaro Magaalada Dhuusamareeb oo amaankeeda aad loo adkeeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ciidamada Xasilinta oo Naceyb ka dhax abuuraya Shacabka iyo Dowladooda !!

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Mahad Celiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Qaramada Midoobay oo Shaacisay Khasaaraha ka dhashay Madaafiicdii ku dhacday Xarunta Xalane

Cabdi Cade