Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii uu horkacayey oo shalay soo gaaray degmada Cadaado ayaa maanta ku sii jeeda Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.
Farmaajo iyo wufuud kale oo ka socota dowlad goboleedyada dalka ka jira ayaa magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb galaya xaflad lagu dhameystirayo heshiiska ahlu suna iyo Galmudug ku kala saxiixdeen dalka Jabuuti kaasoo labada maamul ay ku midoobeen.
Xildhibaano, odayaal dhaqameedyo, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale ayaa maalmahan ku qulqulayey magaalada Dhuusamareeb si ay xafladaas goob joog uga noqdaan.
Amaanka magaalada dhuusamareeb ayaa si weyn loo xoojiyey, waxaana halkaas ku sugan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jabuuti ee AMISOM ka tirsan iyo kuwo Soomaali ah, iyagoo baaraya gaadiidka magaalada maraya oo xitaa ay ku jiraan kuwa ay wataan masuuliyiinta halkaas ku sugan.
Calamada dowlad goboleedyada ayaa sidoo kale laga mamnuucay Magaalada Dhuusamareeb iyadoo calanka kaliya ee lagu arki karo uu noqday kan Somalia, waxaana talaabadan lagu tilmaamay mid Dhuusamareeb ay kaga duwanaanayso maamulada kale ee Madaxweynuhu soo maray.
Wixii warar ah ee ka soo kordha booqashada Madaxweynaha iyo wufuuda kale ee ku sii jeeda Dhuusamareeb kala soco wararkeena dambe insha ALLAAH.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com