Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Bayaan afar qodob ka kooban oo laga soo saaray doorashada Puntland

Issimada degaanada Puntland ayaa magaalada Garowe kasoo saaray bayaan ka kooban afar qodob oo ku saabsan doorashada Maamulkaasi ee dhowaan dhici doonta.

Waxay sheegeen in Doorashada Puntland loo baahan yahay inay ku dhacdo si degan oo xasiloon, kuna dheehan xurmimo; isla markaana mus’uuliyada amnigu ay noqoto masuuliyad wadareed cid kasta ay ka shaqeyso, la iskana kaashado.

Isimada waxay bayaankooda ku sheegeen inay la socon doonaan xaalada Doorashada inta ay ka dhamaaneyso. Bayaanka ay Issimada Puntland waxaa warbaahinta u akhriyay Suldaan Bashiir Muuse, waxayna qodobadiisu kala ahaayeen:.

1- In la wada-qaato masuuliyad wadareed, cidkasta ay xil iska saarto sidii loo heli lahaa doorashado ku dhacda nabad iyo xasilooni.

2- In Guddiga xalinta khilaafaadka lagu aamino in ay soo ansixiyaan soona saaraan xildhibaaanadii beeluhu soo xusheen, Isimaduna saxiixeen.

3-In musharaxiinta ay yihiin masuuliyiin muwaadiniin ah, xilna ka saaran yahay la shaqeynta Guddiga doorashada iyo laamaha amniga.

4-In taliyeyaasha amniga ay masuul ka yihiin amniga guud, musharaxiintu ay u siman yihiin, ayna dhib kala kulmin xoriyadooda dhaqdhaqaaq, sida wadajir ahna loo wada shaqeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Kenya oo ciidankeeda kala baxeysa Soomaaliya xili Xiisad Siyaasadeed ay jirto

Cabdi Cade

Madaxweyne Shariif Xasan oo xil ka qaadis sameeyay xili uu xaalku ku xun yahay (Digreeto)

Cabdi Cade

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ka hadlay xiisada ka aloosan Belad Xaawo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---