Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Cadaado

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug.

Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safar dhulka ah ku tagay magaalada Cadaado iyaga oo kasoo baxay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ay xalay ku hoydeen.

Dadweyne aad u fara badan oo watay astaanta Calanka Soomaaliya iyo Sawirada Madaxweynaha ayaa si heer sare ah magaalada Cadaado ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga la socda ayaa loo gelbiyay xarunta Madaxtooyada Cadaado, waxaana la filayaa in halkaasi kula kulmo Madaxda maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Cadaado.

Amaanka magaalada Cadaado ayaana si weyn loo adkeeyay, waxaana amaanka Madaxweynaha si gaar ah u sugaya ciidamo katirsan ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha iyo Ciidamo katirsan AMISOM oo Cadaado horey u joogay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Guudlaawe oo aqoonsi degmo siiyey degaan ka tirsan Hirshabelle (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada AMISOM oo dilay dad isku qoys ah kaddib Cabsi xooggan oo lasoo daristay

Cabdi Cade

Dowlada Ruushka oo Eedeyn xoogan loo soo jeediyay 

admin
Taboola Ads ---