Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo oo magacaabay Garsooreyaal ka tirsan Maxkamadda Sare (Magacyada)

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Garsooreyaal ka tirsan Maxkmadda Sare ee dalka, keddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah:

Garyaqaan Xasan Cabdinuur Cabdirixmaan.
Garyaqaan Abuukar Axmed Cali (Qasaali).
Garyaqaan Cabdulqaadir Idiris Ciise.
Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku saleeysan dardar gelinta Golaha Adeegga Garsoorka iyo wax ka qabashada cabshooyinka dhanka cadaaladda ee ka yimid Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulamo caawa ka socda Muqdisho & Goodax Barre oo war yaab leh soo saaray

Caydiid Ali

RW Rooble & xubno ka tirsan Musharaxiinta oo saddex qodob ka wada hadlay (Sawirro)

Caydiid Ali

Puntland oo taageertay Mowqifka Axmed Madoobe ka qaatay Shirka Golaha Wadatashiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---