Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ku saabsaneyd Warbixin uu maanta Wasiir Beyle siiyey Madaxweynaha Somalia?

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beele ayaa sheegay in warbixin kooban uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka siiyay horumarka Dowladda ka gaartay dib u habeynta iyo hagaajinta hanaanka Maaliyadda Dalka.

“Sharaf ayay ii tahay inaan warbixin kooban ka siiyo Madaxweynaha Soomaaliya MD Maxamed Cabdullahi Farmaajo horumarka aan ka gaarnay dib u habeynta iyo hagaajinta hanaanka Maaliyadda Dalka”, ayuu yiri Wasiirka Beyle.

Sidoo kale,Wasiir Beyle ayaa madaxweyne Farmaajo la wadaagay natiijada ka soo baxday kulanka Jaamacadda Carabta oo uu dhowaan kaga qeyb galay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

“Waxaan sidoo kale la wadaagay natiijooyinkii kasoo baxay kulankii Jaamacadda Carabta ee Qaahira usbuucii tagay aan uga qeyb galay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo qalab Caafimaad u dirtay Somaliland & Puntland (Sawirro)

Caydiid Ali

Imisa qof ayaa lagu dilay duqeyaha Gaza 24kii saac ee la soo dhaafay?

Caydiid Ali

DEG DEG: Israel oo weerar gantaalo ah ku qaaday gudaha dalka Iran

Caydiid Ali
Taboola Ads ---