Qiimeyntaan oo ay Sameysey Xarunta Somali Annual Business Awards (SABA) ayaa Ujeedkeedu ahaa sidii loo ogaan Lahaa Waxqabadkii Shirkadaha Ganacsiga iyo Bangiyada ee Sannadkii la soo dhaafey iyo sidii Qiimeyntaas ay Dhiiragelin ugu Noqon lahayd Dhamaan Shirkadaha Ganacsiga iyo Bankiyada .
Ugu horeyn waxaa Halkaas ka Hadley Masuul ka socdey Xarunta SABA waxaana uu u Mahadceliyey intii kala qayb qaadatey Qiimeyntaas islamarkaana xarunta u Fududdeysey isagoo Hoosta ka xariiqey in Ujeedka Qiimeynta Sannadka ay Tahay in Bulshada Soomaaliyeed ay ogaato Waxqabadka Shrkadaha Ganacsiga iyo Bankiyada.
Xubnihii kale ee ka Hadley Qiimeyntaas ayaa waxaa ka md ahaa wasiirka Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Saciid Cawad waxaana uu u Mahadceliyey Xaruntii soo qabanqaabisey Qiimeyntaa sidoo kale waxa u Mahadceliyey Shirkadihii iyo Bankiyadii galey kaalimaha hore wuxuuna Si gaar ah ugu Mahadceliyey Bankiga IBS oo Sannadkii labaad la gudoonsiiyey Abaalmarinta Sannadka ee Bakiyadda
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo ka Hadley Munaasbadaas ayaa u Mahadceliyey intii isku soo qaban qabisey gaar ahaan Xarunta SABA oo uu sheegey in ay Qabatey Howl muhiim sidoo kale waxaa u Hamabalyeeyey International Bank Somalia IBS oo Noqdey Horyaalka Bankiyada Dalka
“Abaalmarintaan waxay na Tuseysaa Horumarka ay Marba marka ka dambeysa ku talaabsaneyso Magaalada Muqdisho Waxaan u Hambalyeynayaa Dhamaan Shirkadihii kala duwanaa ee la Gudoonsiiyey Abaalmarinta waxayna tahay haddii la Bixiyo Abaalmarin ama Qiimeyn la sameeyo waa Dhiiragelin si Shirkadaha iyo Bankiyada ay u sii Karaar Qaataan” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed oo sheegey in ay imaaneyso la Xisaabtaan iyo Daahfurnaan
“Waxaan Bankiga IBS oo Abaalmarinta ku heley Kobcinta Ganacsiga yar yar u soo jeedinayaa in Haweenka ay ka dhex muuqdaan ganacsigaan maadaama ay yihiin Xoog Muuqda sidoo kale waxaan Bankiga IBS u soo Jeedinayaa in ay Dhiirageliyaan dadka dan yarta si uu Ganacsigooda u Hormara” ayuu yiri Gudoomiye Taabit
Halkaan ka Daawo Munaasabada Abaalmarinta
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com