Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo Caqabad ku noqoneysa Qorshe ay Damacsan tahay Somaliland

Maamulka Somaliland ayaa wada qorshe ay ku doonayaan in ay isaga bedelaan furaha telfoon number 252 oo ah midka Soomaaliya, waxa uuna maamulkan doonayaa in uu sameesto furo kale oo u gooni ah.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Somaliland C/wali C/llahi Suufi ayaa dhawaan shaaciyay in Wasaaradiisa ka shaqeeneyso sidii ay u heli lahaayeen Fure ka madax banaan kan Soomaalia ee 252.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa hada wada qorshe kale oo ka dhan ah kan ay damacsan tahay Somaliland, Dowlada ayaana sheegtay in Soomaaliya aan laga isticmaali karin furo aan aheyn 252 oo ah kan saxda ah.

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta  Dowladda Soomaaliya Eng Cabdi Canshuur Xasan  ayaa sheegay in aysan suurto gal aheyn in la sameeyo furo kale oo laga soo waco telfoonada Soomaaliya.

Waxa uu uga digay Wasiirka Shirkadaha Isgaarsiinta  in ay dalka soo galiyaan furo kale oon aheyn kan la aqoonsan yahay ee 252, waxa uuna cadeeyay Shirkadii isku dayda oo amarkooda jabisa in Wasaaradu awood u leedahay in Shirkadaasi xanibto.

Hadalkan kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada ee Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqda mid loogu digayo maamulka Somaliland oo damacsan in uu ka guuro furaha 252 oo ah midka Soomaaliya loo aqoonsan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Danab oo fashiliyay weerar Al Shabaab soo qaadeen iyo jab xooggan oo la gaarsiiyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Qaraxii maanta lagu dilay Cabdullaahi Cali Waafow

Cabdi Cade

Xog cusub oo laga helay qaar kamid ah wiilasha DF tababarka ugu dirtay Eritreya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---