Allbanaadir.com
NEWS

Amiir ka tirsan dowlada Qadar oo la dhigay Xabsi ku yaalla dalka Imaaraatka Carabta

Amiir ka tirsan qoyska xukuma dalka Qatar ayaa sheegay inuu ku xiran yahay dalka Imaaraatka Carabta.

Fariin Viedo ah ayuu ku baahiyey barta YouTube-ka ayuu Abdallah Bin Cali Al-Thaani ku sheegay inuu marti u ahaa dhaxal sugaha taajka Imaaraatka, Maxamed Bin Sayid Aal Nahyaan, laakiin uu haatan  ku jiro xabsi.

Wuxuu intaas ku daray in wixii dhibaato ah ee soo gaara uu masuul ka yahay dhaxal sugaha taajka Imaraadka ee xabsiga u taxaabay.

Sheekh Abdallah ayaa sanadkii wuxuu wadahadallo heer sare ah ku galay Sucuudiga ka dib markii boqortooyada Sucuudiga, Imaaratka, Baxrayn iyo Masar ay dhamaantood xiriirka u jareen Qatar oo ay ku eedeeyeen in ay taageerto argagixisada iyo in ay Iran inkastoo eedeymahaas iska fogeysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiyihii ugu ‘dayda weynaa oo loo Magacaabay degmo ka tirsan Muqdisho

Caydiid Ali

Gudoomiyaha golaha Shacabka oo si adag uga hadlay Xariga Abuu Mansuur iyo Xiisada Baydhabo

Cabdi Cade

Maxaa looga hadlay kulankii dhexmaray Jen. Xijaar iyo Shiikh Shariif? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---