Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweynaha Somalia oo tacsi u diray qoyska Boqortooyada Sacuudiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Abdullahi Farmaajo ayaa tacsi u direy  Boqorka Dowladda aan walaalaha nahay ee Sacuudiga Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud, isagoo uga tacsiyadeeyey geeridii ku timid Amiir Talaal Bin C/casiis oo 87-jir ahaa.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa baahisay inuu geeriyooday Amiir Talaal Bin C/casiis oo ahaa Aabaha Maalqabeenka weyn ee Sacuudiga, Al-waliid Bin Talaala, wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladda Sacuudiga sannadihi 1950-aadkii ilaa 60-aadkii, wuxuuna soo noqday Wasiirkii Isgaarsiinta iyo Maaliyadda ee dalkaasi.

Sidoo kale, Madaxda ka tacsiyadeeysay geerida Amiir Talaal Bin C/casiis ayaa waxaa ka mid ah Ku-xigeenka Ra’iisal wasaaraha ahna Wasiirka Difaaca dalka Kuwait Sheikh Nasser Sabah Al-Ahmed Al-Sabah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Sacuudiga oo qaadeysa talaabo mar kale ka careesiineysa Dowlada Turkiga

Cabdi Cade

Soomaali isku dishay Magaalada Toronto iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Dayax gacmeed la filayo in markii ugu horreysay uu u dhawaado qoraxda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---